Shariif Xasan oo Sheegay Inuu u Tartamayo Xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed

0
37

Madaxweynaha waqitigiisu sii dhamaanayo ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay uga dhawaaqay Magaalada Muqdisho inuu mar kale u sharxan yahay xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa kulan qado ah kula yeeshay magaalada Muqdisho qaar ka mida xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ugu jira K/Galbeed, wuxuuna ka dalbaday inay ku taageeraan musharaxnimadiisa, isagoo sidoo kale ka codsaday ineysan isu sharxin xilkaasi oo ay isaga u daayaan.

Waxaa kaloo uu sheegay in doorashada Madaxweynaha K/Galbeed ay dhici doonto waqtigii loogu talagalay ee 17-ka bisha November ee sanadkan 2018 oo ay ku eg tahay mudadda xilkiisa.

Kulankan qadada ahaa ayaa shariif waxaa uu isugu yeeray dhamaan Xildhibanada Aqalka sare iyo Aqalka hoose ee koonfur galbeed uga jira dowlada federaalka, Nasiib daro waxaa soo xaadirey in ka yar 20 Xildhibaan oo intooda badan shariifka gacan saar la leh.

Dhanka kale waxaa jira musharaxiin aad u badan oo raba iney la tartamaan Shariifka balse aan weli bananka isa soo dhigan waxaana la hadal hayaa in musharixiintaasi ay ku jiraan siyaasiyiin hore xilal uga soo qabatay dowlada federaalka somaliya waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay bananka is keenaan.