Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Kol Dhaweyd GaarayMagalada Asmara

0
56

Madaxweynaha dowlada federaalka somaliyaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhaweyd ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Garoonka diyaaradaha waxaa magaalada Asmara waxaa ku soo dhaweeyay madaxweynaha dalka Eritrea, Wasiir, iyo xildhibaanno ka tirsan xukuumadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan-yahay Asmara waxaa uu wada hadalo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eritrea, iyaga oo ka wada hadli doono hagaajinta cilaaqaadka labada dalka oo muddo dheer-ba mugdi ku jiray.

Madaxweyne Farmaajo waxaa booqashadiisa ku wehlinaya xubno ka tirsan xukuumadda Soomaaliya. Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan isla dowlada.