Milkiilaha Konfur Galbeed Shariif Xasan Ma Istaahilaa in 4 Sano oo Kale Maamulka Sii Hayo?

3
156

Milkiilaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Adan tan iyo intuu xooga ku qabsaday talada maamulka koonfur galbeed waxaa uu si weyn uga shaqeeyey sidii uu gacan buuxda ugu qaban lahaa shacabka koonfur galbeed iyo odey dhaqameedkooda, isla markaana maamulka gacanta ugu gelin lahaa koox yar oo isaga ka amar qaadata oo u badan reerkiisa iyo caruur uu waalid u yahay.

Sida aynu ka wada dheregsanahay maamulkan waxaa uu ka kooban yahay 3 gobol oo kala ah Gobolka Bay, Gobolka Bakool iyo Gobolka Shabeleha hoose, mana jirto wax isbedel ah ama horumar ah oo ka dhacay goboladaas oo aan aheyn burbur iyo barakac tan iyo intuu  qabsaday xukunka Shariif Xasan,

Aynu mid mid u fiirino dhamaan gobolada iyo degmooyinka uu ka arimiyo maamulka Shariif Xasan anagoo ku horeyn doona gobolka shabelaha hoose, Gobolka shabelaha hoose waxaa uu ka kooban yahay 8 Degmo, 8daas degmo inta uusan Shariif Xasan boobin talada maamulkaasi waxaa xor ahaa 7 degmo oo kala ah Afgooye, Wanleweyn, Marka, Baraawe, Qoryooleey, kunturwaarey iyo Degmada Awdheegle, Degmooyinkaas xorta ahaa afartii sano ee uu shariif joogey waxaa xornimadooda dib u waayey Degmada Marka, Degmada Awdheegle iyo Degmada Kunturwarey kuwa soo hareyna waxaa uu ka dhigay xabsi dusha ka furan.

Waxaa kaloo jira isbaarooyin xad dhaaf ah oo yaala dhamaan wadooyinka gobolka shabelaha hoose isbaarooyinkaas oo ay soo dhigteen qaar ka tirsan ciidamada dowlada iyo weliba kooxo gacan saar la leh milkiilaha maamulka koonfur galbeed Shariif Xasan oo guud ahaan gobolka shabelaha hoose gacanta ugu haya marka laga reebo dhowr degmo oo ay alshabab ku sugan yihiin.

Gobolka Bakool: Gobolka bakool waxaa uu ka kooban yahay 5 degmo Ceel berde ,Rabdhure, Tiyeegloow, Xudur iyo Waajid, Ceelberde iyo Rabdhure waxaaba horey u qaatay kooxo kasoo talaabay xuduuda sheegteyna iney ayaga deegaankaasi leeyihin shariifkana uu gacan ku siiyey si ay u boobaan, Degmada Tiyeeglow waqtigan xaadirka waxaa ay gacanta ugu jirtaa Alshabab, Xudur iyo Waajidna waa go’doon.

Dhamaan 5ta degmo ee uu ka kooban yahay Gobolka Bakool ma jiro wax isku socod ah inta badan shacabka ku nool gobolkaasi waxaa ay ka cawdaan go’doonka ay ku jiraan, Sida aynu ka war heyno gobolkaas waxaa ku sugan ciidamo aad u tira badan oo isugu jira kuwa dowlada federaalka iyo weliba kuwa maamulka balse ma jirto wax howl ah oo ay halkaasi ka qabtaan.

Gobolka Bay waxaa uu ka kooban yahay 5 degmo oo kala ah Baydhabo, Buurhakaba, Bardaale, Qansax Dheer iyo diinsoor, Gobolka Bay wax badan ma dhaamo gobolada aan kor kusoo sheegney dhamaan degmooyinka gobolka ma jirto wax isku socod ah, Inta badan waxaa la sheegaa in waxoogaa nabad in ay ka jiro degmada baydhabo oo ah xarunta maamulka taasna inta badan ma aha mid sal balaaran ku fadhida maxaa yeelay waxaa gudaha degmadaasi ku sugan ciidamo u abaabulan qaab beeleedyo hubkoodana ku heysta gudaha magalada dhowr jeer oo harana isku dhacay.

Si kastoo loo dhigaba shacabka koonfur galbeed waxaa ay soo mareen 4 sano oo mugdi ah, afar sano oo lugooyo ah, afar sano oo darxumo ah , afar sano oo ay ka hareen maamul goboleedyada kale ee ka dhisan dalka, Sidaas daraadeed shacabka koonfur galbeed uma baahna lugooyo iyo dhib dambe ee wexey u baahan yihiin horumar iyo nabad gelyo taasina ma filaayo in uu keeni karo Shariif Xasan Sheekh Adan.

Sidaas daraadeed shacabka koonfur galbeed waxaa la gudboon iney fariin u diraan siyaasiyiinta iyo odayaahsa dhaqanka isla markaana u istaagaan danahooda hana ogaadaan ineysan jirn ruux ay wax ka sugaan.

Gunaanadka qormadeyda waxaan rabaa inan kusoo gaba gabeeyo dhowr suaalood oo aan jeclaan lahaa in aqristayaasha kasoo jawaabaan.

1- Yaa laga sugayaa in uu ka hadlo tacdiyaadka loo geysto shacabka ku socdaala wadada isku xirta muqdisho iyo baydhabo?

2- Yaa laga sugayaa in uu sugo amniga isla markana isku furo dhamaan wadooyinka xeran ee deeganada koonfur galbeed?

3- Yaa laga sugayaa in uu dib u dejin u sameeyo barakacayaasha ku sugan magalada muqdisho iyo weliba ceelasha biyaha?

4- Yaa laga sugayaa in uu u doodo xuquuqda dhibanayasha shacabka koonfur galbeed ee ku dhibaateysan deeganada maamul goboleedyada kale sida Puntland, Somaliland, iyo Gal Mudug oo mar walba ka cawda dhibta ay kala kulmaan maamulka deeganadas?

5- Yaase laga sugayaa in ay u miciinaan waxna u qabtaan barakacayaasha ku dhibaateysan xerooyinka ku yaala gudaha magalada baydhabo?

 

 

3 COMMENTS

  1. Maya xitaa ma istaahilo in lala hadlo maxa yeele k g shacabkiisa waxa ku filan lugooyo afartii sano oo aadka u dheera ee la soo dhaafey masuul ma ahan waa daneeste damiir laheyn

    • Subxanalaah Ma is tahilo in uu Xukumo 4 Sano had a ka dib ah Maxaa yeelay Wax uu U qabtey Malaha Umada Koonfur Galbeed ee Hana dhaafa Waxaan Ilaah Ka Baryeynaa Wax Ka Fican In Ilaah ha keeno

  2. Subxanalaah ma Rabinowitz in uu ku Soo Noqdo Shariifka 4 Sano hor leh Maxaa yelay Wax Muuqda oo Huru mar ah ma Arag Marka ha is ka baxo

Comments are closed.