Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Berito Safar Ku Tegi Doona Magalada Asmara

0
34

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah booqasho taariikhi ah ku tagaan magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynuhu hogaamin doono wafdi ballaaran oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo markii ugu horeysay taariikhda maalinta berri ah booqasho rasmi ku tagi doona magaalada Asmara.

Booqashada madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ay berri ku tagayaa magaalada Asmara ayaa noqon doota tii ugu horeysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago dalka Eritrea oo ka go’ay dalka Itoobiya sanadkii 1993kii.

Safarka madaxweynaha ayaa imanaya xili heshiis laga gaaray colaadii ka badan 20 sano ka dhax jirtay dowladdaha Itoobiya iyo Eritrea.