Ciidamo Ka Tirsan Danab oo Maanta Qarax Lagula Beegsaday Meel Ku Dhow Dewgmada Wanleweyn

0
99

Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa maanta waxaa qarax lagugula bnbeegtay meel wax-yar u jirta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose kaasoo geystey qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Qarax uu ahaa mid lala bar timaameysatay oo ciidamo la socday gaari kuwa dagaalka ah oo halkaasi marayey.

Waxaa kaloo uu intaasi ku daray in qaraxaasi uu ku geeryooday sarkaal ka tirsanaa ciidamada danab oo lagu magacaabi jiray Kabtan Maxamed Cabdi Saciid waxaana dhaawac kasoo gaaray ilaa iyo 6 askari.

Dhawaan ayeey aheyd markii xoogag ka tirsan Al-shabaab weerar kan la mid ah ay ku qaadeen kolanyo ay la socdeen ciidamada AMISOM oo marayay meel aan ka fogeyn degmada Afgooye, iyaga oo halkaa ku gubay qaar ka mid ah gaadiidka ciidamada midowga Africa.