Masuuliyiinta Maamul Goboleedka Galmudug oo Kulan Dub u Heshiisiin Ah Uga Furmay Magalada Muqdisho

0
34

Madaxda maamul goboleedka ayaa ku sugan magalada muqdisho madaxdaasi oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha maamul goboleedka, Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Sababata ay masuuliyiinta ugu kulansan yihiin magalada Muqdishoayaa in sidii loo xalin lahaa Khilaafka ka taagan Madaxda Sare ee Galmudug.

Waxgarad kasoo jeedda maamulka Galmudug , dowladda dhexe iyo Beesha Caalamka ayaa garwadeen ka ah Wadahadalka u furmay Madaxda Galmudug sidda xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa doonaya in xal buuxa laga gaaro Khilaafka taagan,iyadoo aan lagu laaban doonin iskudarkii Galmudug iyo Ahlusunna.