Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Hambalyo Ku Aadan 26 Jun u Diray Shacabka Somaliyeed

0
125

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku adan sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegatay maalintii xoriyada Gobollada Waqooyi ee dalka, islmarkaana dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay calan Soomaaliyeed, u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in masuuliyad weyn ay ka saaran tahay qof kasta oo Soomaali ah xaqiijinta hiigsiga soojireenka ah ee ku qotoma Soomaali xor ah oo mideysan.

Madaxweynaha oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa yiri “Xorriyadda aan maanta ku naalooneyno waa mid lagu soo bixiyay dhiig iyo dhaqaale, maanta waxaan joognaa guul taasoo kasoo bilaabatay 1960kii markii ay waqooyi iyo koonfur isku darsameen. Guushaas waxay ahayd mid ummadda u horseeday Soomaalinimo iyo midnimo.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dareenkaas midnimo iyo wada jireed uu ku dhex noolyahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo duruufo adag ay soo mareen, wuxuuna adkeeyay in qabyaaladda iyo daneysiga looga adkaan karo in la muujiyo wadaniyad iyo wadajir.