Ganacsade Somaliyeed oo Xalay Lagu Dilay Magalada Derban ee Dalka Koonfur Afrika

0
33

Ganacsade Soomaaliyeed ayaa xalay fiidkii lagu diley degaan u dhow Magaalada Derban ee dalka Koonfur Afrika.

Kooxo burcad ah ayaa la sheegay in weerar ku qaadeen Muwaadinkan oo ku sugnaa irida goobtiia ganacsi, waxaana kooxdan ay ku fureen rasaas, isla goobta ayuuna ku geeriyooday.

Ninka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Sheekh Xuseen oo Da’diisa lagu qiyaasay 57 sano, iyada oo markii dambe ay halkaasi meydkiisa ka qaadeen Booliska Koonfur Afrika iyo qaar ka tirsan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Inta badan dillalka ka dhaca Koonfur Afrika ayaa waxaa loo geystaa Soomaalida ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan leh, dableyda dilalka geysata ayaanan inta badan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.