Urur goboleedka IGAD oo Shaqadii Ka Eryey Madaxweynihii Maamul Goboleedyada Jeneraal Gabre

0
28

Urur goboleedka IGAD ayaa shaqada ka eryey kornayl Gabrezabher Alemsged oo Soomaalidu u taqaanno Jeneraal Gabre.

Warqad ka soo baxday xafiiska xoghayaha fulinta ee IGAD, Eng Maxbuub Macallim ayaa si rasmi ah maanta looga joojiyey jeneraal Gabre shaqadiisii ahayd la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD.

Qoraalka shaqo ka joojinta oo isla maanta dhaqan galay ayaa looga dalbaday jeneraal Gabre inuu wareejiyo wixii qalab xafiiseed ah ee IGAD ay leedahay ee uu hayo ka hor 02:30 duhurnimo.

Isla qoraalka ayaa looga dalbaday qaybta maamulka iyo maaliyadda ee IGAD inay fududeeyaan xil ka wareejinta, iyo inay shaqaale u xil saaraan sidii looga qaadi lahaa jeneraal gabre dukumentiga lagu safro ee IGAD, haddiiba hore loo siiyey.

Qaab qoraalka warqada xil-ka-qaadista ee jeneraal Gabre ayaa ahayd u qorneyd ayaa ah mid aad u adag oo aan inta badan la adeegsan marka la eryayo mas’uul sare.