Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo Maanta u Kicitamay Dalka Jabuuti

0
28

Wefddi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa maanta u amba baxay dalka Jabuuti Jamhuuriyadda.

Ujeedada safarka wafdiga guddoomiyaha ayaa ah sidii ay uga qeybgali lahaayeen xuska maalintii Jabuuti oo ku beegan 27 June.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa inta uu joogo dalka Jabuuti waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalka Jabuuti,sida madaxweynaah iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalkaasi.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah wadamada ugu horeeyo ee taageera Soomaaliya,waxaana lagu xusuustaa in dadaalkasta oo walaaltinimo ay ku bixinayaan horumarkasta oo ka dhasha geyiga Soomaaliya.