Recep Tayyip Erdogan oo Xalay Mar Kale Ku Guuleystay Dorashoyinkii Shaley Ka Dhacay Dala Turkiga

0
40

Hogaamiyaha mudada dheer ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa marki labaad ku guuleystay madaxweynanimada dalkaasi Turkiga iyada oo la tiriyey codadki doorashada laga dhiibtay 99 boqolkiiba sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda.

Mr Erdogan ayaa waxa uu doorashada ugu guuleystay boqolkiiba 52.5, halka ninka dhaw ee ay ishayeen ee Muharrem Ince uu uruursaday boqolkiiba 30.7.

Axsaabta mucaaradka ayaa waxa ay cabasho ka muujiyeen in codadka lagu shubtay iyo inay jirtay wax isdaba marin dhanka codbixinta ah.

Codbixiyayaasha ayaa waxa ay dooranayeen madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka. Xisbiga AK ee Mr Erdogan ayaa ku horreeya kuraasta baarlamaanka.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHP ayaa waxa uu heley boqolkiiba 30.7, xisbiga Aksender wuxuu helay 7.4 boqolkiiba, halka uu xisbiga Demirtas uu helay 8.3 boqolkiiba.