Reysulwasaraha Xukumada Federalka oo Booqasho Ku Tegey Dalka Rwanda

0
27

Ra’iisul wasaaraha xukumada federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ku sugan magaalada Kigali ee dalka Rwanda, kadib casuumaad uu ka helay madaxweynaha dalkaas, Paul Kagame.

Booqashadan oo hal maalin qaadan doonta ayaa ra’iisul wasaaraha wuxuu kulamo la qaadan doona madaxda sare ee dalkaas, waxaana kulanka ugu horreeya uu caawa la qaadanaya dhigiisa Rwanda, Edouard Ngirente iyo qaar kamid ah golaha wasiirada dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa lagu wadaa in uu la kulmo madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame ahna guddoomiyaha Midawga Afrika, waxaa ayna ka wada hadli doonaan adkeynta xariirka labada dal iyo sidii loo joogtayn lahaa taageerada baaxadda leh ee Midawga Afrika uu siiyo Soomaaliya.

Socdalkan waxaa ra’iisul wasaaraha ku waheliya Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Khayr.