Gudoomiyaha Gobolka Banadir oo Kulan La Qaatay Golaha Wasiirada iyo Lamaha Amaanka

0
28

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yaarisoow ayaa uga mahad celiyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hay’addaha Amniga iyo bulshada ku nool Caasimadda guulaha amniga ee laga gaaray sugidda amniga Muqdisho intii lagu jiray bishii barakaysnayd ee Ramadan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlayay kulan muhiim ah oo xarunta dowladdaha hoose ku dhex-maray maamulka Gobolka Banaadir, Golaha wasiirrada iyo Hay’adaha amniga ayaa sheegay in wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya hay’adaha dawladda iyo bulshada Soomaaliyeed uu sababay in kooxaha argagixisada ay ku guul dareystaan. falalkoodii.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa warbixinno kala duwan oo la xiriiray guulaha laga gaaray dariseynta, isdhexgalka shacabka iyo maamulka, horumarinta kaabayaasha caasimadda iyo habka ugu habboon ee looga hortagayo dhagarta cadowga laga dhageystay saraakiisha ammaanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Kulanka ayaa noqonaa kulankii ugu horeeyey oo ay wada yeeshaan golaha wasiirada iyo gudoomiyaha gobolka banaadir iyo laamamaha amaanka.