Shacabka Turkiga oo Maanta Loo Dareeray Goobaha Cod Bixinta

0
49

Shacabka turkiga ayaa maanta u dareeray goobaha codabixinta ayagoo safaf dhaadheer u galay gobaha codbixinta si ay codadkooda ugu taageeraan hadba Murashaxa ay taageersan yihiin.

39 million oo Muwaadiniin Turkish ayaana la sheegay inay diyaar u yihiin inay codkooda dhiibtaan, iyadoo 53,34 million oo qof ka codeyn doonaan gudaha Turkiga, halka 3.05 million oo kalena ka codeynayaan dalalka Caalamka.

Doorashadda Madaxtinimadda ayaana ah tan ugu adag oo indhaha lagu hayo, iyadoo Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ay la tartamayaan ilaa 4 Murashax oo ugu miisaan culus yahay Muxaram Inji.

Doorashadda maanta waxa laga soo horumariyey Xilligii rasmiga ee loogu talagalay oo ahaa bisha November 3-da ee sanadka soo socoda ee 2019-ka, balse Barlamaanka dalkaasi waxay bishi iApril ee la soo dhaafay go’aansadeen in xilligaasi laga soo hormariyey in ka badan 18 bilood.

Xidbiga Caddaalada iyo horumarka ee (AKP) oo uu Madaxweyne Erdogan hoggaamiyo waxay ku soo biiray Xisbiga Waddniyiinta Midigta Fog ee MHP si ay Isbahaysi u samaysteen Doorashadda maanta, iyadoo Madaxweyne Erdogan loo doortay Murashaxa Isbahaysiga ee u taagan Madaxtinimadda dalkaasi.