Alshabab oo Beeniyey Inuu Geeryooday Hogaamiyahoodii Axmed Diiriye Abu-Cubeyda

0
157

Ururka Al-shabaab ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in uu geeriyooday hogaamiyahoodii Axmed Diiriye Abu-Cubeyda sida ay baahiyeen saacadihii ugu danbeeyay warbaahinta Soomaaliya.

Sarkaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in wararka sheegaya in Axmed Diiriye uu geeriyooday ay yihiin been abuur oo ay buunbuuniyeen sida uu sheegay warbaahinta maxaliga ah.

Warka ku saabsan in uu geeriyooday hogaamiyihii Al-shabaab ayaa waxaa xaqiijiyay oo laga soo xigtay sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaliya oo magaciisa qariyay, kaasoo sheegay in deegaan ka tirsan Koonfur Soomaaliya uu ku geeriyooday Abu Cubeyda.

Warka ku saabsan arintaan ayaa ka danbeeyay kadib kolkii warar sheegaya arimahaas todobaadyadii ugu danbeeyayba leysla dhaxmarayay in hogaamiyaha Al-shabaab uu la xanuusanayo cudurka Kansarka.