Gudomiyaha Baarlamaanka oo Kulan La Qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

0
42

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali.

Labada Masuul oo kulankooda waqti badan qaatay ayaa xaqiijiyay in ay sii xoojinayaan iskaashiga walaaltinimo ee u dhaxeeya labada dhinac ee Jabuuti iyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulanka kadib yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, marti qaadkan oo uu inoo sameeyay, waxaan ka qeyb galeynaa Munaasabadaha 27-ka Juun, Jabuuti waa dalkeena labaad”

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali ayaa dhankiisa sheegay labada dal in ay wadaagaan waxyaabo badan, wuxuuna tilmaamay in Jabuuti ay kaalin weyn ka qaadan doonto in nabada lagu soo dabaalo Soomaaliya.