154 Dhalinyaro oo Laga Soo Daayey Xabsiyada Liibiya oo Maanta Xamar La Keenay

0
34

Waxaa goor dhaw oo saakay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay 154 dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya.

Maxaabiistan waxaa wehlinayay oo la socday Safiirka Soomaaliya ee Yurub Ambassador Cali Siciid Fiqi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo uu ka mid ahaa Wasiirka Dastuurka Cabdi Xoosh iyo xildhibaano.

Qaar ka mid ah dhalinyarada oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin dib ugu soo laabashada magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalkoodii hooyo.

Danjire Faqi ayaa sheegay in dhalinyaradan yihiin kuwa ku jiray xabsiyo kala duwan oo ku yaalay gudaha dalka Libya.