Maxkamada Ciidanka Qalabka-sida oo Maanta Xukun Dil Ah Ku Xukuntey 3 Wiil oo Dhalinyaro ah

0
186

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay ku dhawaaqday xukunka dacwad ciqaabeedkii loo heystay eedeysanayaasha kala ah Farxaan Maxamed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa raggan wuxuu ku soo eedeeyay dambiyada kala ah kamid noqoshada ururo hubeysan oo lid ku ah awoodaha qaranka, in ay ka mid ahaayeen koox weerar ku qaaday Hotel Naasa-hablood laba 28-kii bishii October 2017-kii.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xassan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in eedeysanayaasha ay qirteen dambigii ay galeen, cod sadeena in loo naxariisto oo la cafiyo.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in Maxkamadda ay u cadaatay in raggan ay galeen dambigii lagu soo eedeeyay, ugu dambeyna Maxkamadda ay ku xukuntay dil toogasho ah, balse cidii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamadda ay u furun tahay racfaan.