Daawo Golaha Qurbo Joobta Koonfur Galbeed oo Maanta Xafiis Ka Furtey Magalada Baydhaba

0
117

Waxaa maanta magalada baydhaba lagu qabtey xaflad lagu daah fureyey xafiiska golaha Qurbojoogta Koonfur Galbeed ee Somaaliya waxaana xafladaasi ka qeyb galay masuuliyiin isugu jira Bahda Waxbarashada, Waxgaradka, Southwest student union, Haweenka, Dhalinyarada, Odayaasha Magaalada.

Ugu horeytii waxaa halkaasi ka hadley wakiilka golaha Qurbojoogta Koonfur Galbeed ee Somaaliya Fowzy Abdinuur wuxuuna halkaasi uga mahad celiyey dhamaan intii kasoo qeyb gashay xafladaasi wuxuuna ku booriyey iney kala shaqeeyaan sidii bulshada koonfur galbeed loo badbaadin lahaa.

Waxaa kaloo ayagana halkaasi ka hadley aqoonyahano iyo dhalinyaro dhamaantoodna wexey hoosta ka xariiqeen in xafiiskan la furey waqtigii loo baahnaa isla markana laga fadhiyo in bulsha uu wax weyn kusoo kordhiyo.

Xafiiskan ayaa noqonaya xafiiskii ugu horeeyey oo ay golaha qurba joobta koonfur galbeed ka furtaan gudaha dalka ayagoo la filaayo in sanbadkan gudihiisa ay dhowr xafiis ka furtaan deeganada koonfur galbeed.