Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Shariif Xasan iyo Xildhibanada Koonfur Galbeed Fooda Is Direen

0
43

Warar aynu ka helney ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya iney jiraan qalalaaso maamul iyo eedo laga tabanayo madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Arrinta ugu daran ee hadda cabashada ay ka taagan tahay waxay tahay in Shariif Xasan uu Akoonada ka xirtay shaqaalaha maamulka iyo Xildhibaanada,islamarkaana uu diiday inuu bixiyo musharaadka iyo xuquuqda xaqa loogu leeyahay.

Caqabadaha kale ee ka taagan deegaana uu ka arimiyo maamulka shariif xasan ayaa waxaa ay tahay isbaarooyinka xad dhaafka ah ee ay soo dhigtaan Ciidanka Dowladda Federaalka oo lacago xad dhaaf ah ka qaada gaadiidka isaga goosha gudaha maamulkaas.

Ciidanka Militariga ee la dejiyey Ex-Control ilaa iyo Leego ayaa dhor jeer oo hore loogu eedeeyey iney dhibaatooyin u geystaan gawaarida mara wadooyinka isku xera magalada muqdisho ilaa iyo baydhaba.

Si kastaba arintu ha ahaatee cabashooyinka xiligan jira ayaa waxaa ay kusoo beegmayaan ayadoo dhawaan ay dhici doonto doorashada madaxweynaha maamulka koonfur galbeed shariif xasana uu doonayo inuu kusoo boxo doorashadaas, Taasi ayaa keeneysa in uu caburiyo xildhibanada si markaasi ay gacantiisa usoo galaan kadibna uu codadkooda u helo.