Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Sheegay in Amniga Magalada Muqdisho Soo Fiicnaaday

0
40

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Isla markana ah Duqa magalada muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka hadlayay shir lagu falan-qeynayay amniga guud ee dalka ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha lagu sugayo Amiga caasimada.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa ka hadlay qorshaha maamulkiisa ee ku aadan amniga Caasimadda ee xiligan ku soconaya dar-darta, waxuna uu tilmaamay in waqtigan ay jirto rajo iyo ifafaalo weyn oo laga qabo ammaanka caasimaddu inuu soo hagaago.

Sidoo kale, Mudane Yarisow ayaa soo bandhigay horumarradii laga sameeyey afartii bilood ee lasoo dhaafay dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda, daadajinta maamulka, u-diyaar garowga golleyaasha deegaanka iyo soo celinta bilicda magaalada si ay ula tartanto caasimadaha kale ee gobolka iyo adduun kaba.

Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay hadafkooda ku aadan in dib loo howlgeliyo garoonka Stadium Muqdisho, maadaama uu weli deegaan u yahay Ciidamadda Midowga Afrika ee AMISOM, si uu u buuxiyo kaalintii muhiimka ahayd ee uu ka qaadan jiray isdhexgalka iyo isku xirka bulshada.

Kulankan oo Shir guddoomineyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayay ku soo bandhigeen maamul Gobolleeyada dalka qorshahooda ku aadan sidii xal-maangal loogu heli lahaa xasilinta deegaanadooda, dalkana looga sifeyn lahaa argagixisada.