Resylwasaare Ku Xigeenka Xukumada Federaalka oo La Kulmay Safiirada Dalka Denmark u Joogta Somaliya

0
37

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Safiirka dowladda Denmark u fadhisa Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ku wehlinaayay Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya Xuseen Xaaji, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Mahdi Maxamed ayaa sheegey iney Mette Knudsen ka wada hadleen iskaashiga labadda dal ee Soomaaliya Iyo Denmark & sidii Mashaariicaha horumarineed ee ay Denmark inaga caawiso loo dardargalin lahaa.

Kulankii ayaa ahaa kulankii ugu horeeyey ee uu reysulwasare ku xigeenka la qaato Mette Knudsen oo ah Safiirka dowladda Denmark u fadhisa Soomaaliya.