Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Federaalka oo Dowlada Shiinaha Ka Gudoomey 1.5 Milyan

0
153

Wasiirka wasaaradda arimaha dibeda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise ayaa ka guddoomay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya deeq lacageed oo dhan 1.5 million oo dollar oo loogu tala-galay in lagu caawiyo dadka ay fatahaaddu ku dhufatay ee Soomaaliyeed.

Dowladda China ayaa sheegtay in ay siweyn uga xun tahay xaalada ay wajahayaan xiligan dadka ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ay saameynta adag ku yeesheen fatahaada uu sameeyay gaar ahaan magaalada Beledweyne ee xarunta u ah gobolka Hiiraan.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa dowladda Shiinaha uga mahad celiyay Lacagtaan ay ugu deeqeen dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Shiinaha ayaa safka hore uga jirta dowladaha sida weyn u caawiya umada somaaliyee ha noqoto masiibooyinka dabiiciga ah iyo weliba guud ahaan mucaawinooyinka kale.