Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa habeenkii xalay kormeer uu ugu kuur gelayay xaaladda amni ee magalada muqdisho ku soo maray qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Benaadir.
Ra’isul Wasaaraha oo ay kormeerkiisa ku wehliyeen Wasiirka Amniga, Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Nabad-sugidda iyo saraakiil kale ayaa ciidamadda xasilinta waxay la qaateen waqti iyagoo kula dardaarmay inay laban-laabaan shaqada ay qaranka u hayaan.
Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka warbixiyay kormeerka shaqo ee R/Wasaaraha Soomaaliya uu ku sameeyay Magaalada ayaa sheegay in uu ahaa mid loogu koor-galayay amniga Magaalada Muqdisho
Sidoo kale Wasiirka amniga ayaa waxa uu sheegay hadafka inuu ahaa in Ciidamada ay la qeybsadaan xaalada ay ku shaqeynayaan, maadaama uu tilmaamay inay yihiinMas’uuliyiinta Qaranka.
Kormeerkan amni ee xalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya saacadaha badan Ku bixiyay ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu xoojinayo amniga Caasimadda dalka, inkastoo weli ay jiraan falal amniga ka baxsan oo ka dhacaya gudaha iyo banaanka magaalada.
