Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta u Kicitamey Dalka Qadar

0
238

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow ka Ambabaxay Magaalada Muqdisho isagoo kusii jeeddaa Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah , Wasiiro, xildhibaano iyo diblumaasiyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ujeedka safarkan ayaa la sheegey inuu yahay heshiisyo badan oo dhinaca ganacsiga ah, horumarinta iyo amniga, Qatar waxay sidoo kale caawin doonta dib u qalabeynt ciidanka.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona Amiir Sheekh bin Hamad al-Thani ayuu la kulmi doona si uu ugala hadlo xiriirka labada dhinac iyo rajooyinka horumarineed.