Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Magaalada Muqdisho iney la shaqeeyaan hay’addaha amaanka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in amniga caasimada keliya lagu sugi karo wada shaqeyn dhex marta shacabka iyo ciidamada.
Waxa uu xusay in ay muhiim tahay in shacabka ay meel ugu soo wada jeestaan sidii loo sugi lahaa amaanka guud ee caasimada sidoo kalena ay si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada amaanka.
