Wasiirka Amniga iyo Gudaha oo Ka Hadley Amni Darada Ka Jirta Magalada Muqdisho

0
206

Wasiirrada Amniga gudaha Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay dilalka ka dhacay caasimada ee lagula kaco mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda iyo dadka rayidka, xili dhinaca kale ay nagu soo fool leedahay bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Ducaale Isloow ayaa sheegay in magaalada Muqdisho xaq u laheyn in maalin walba lagu daadiyo dhiigga muwaadin Soomaaliyeed, isaga oo intaa ku daray in ka wasaarad ahaan xoogga saari doonaan sugida Amniga caasimada.

Waxaa uu ku dhiiri-galiyay ciidamada dowladda ee loogu talagalay sugida Amniga in ay kordhiyaan howlgalladooda lagu sugayo nabad-galyada, iyaga oo dhinaca kalana si wanaagsan ula dhaqmaya dadka shacabka ah.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xili xalay rag hubeysan afar ruux ku dileen guri uu magaalada Muqdisho ka degenaa sarkaal ka tirsan hay’addaha Nabad-sugida.