Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn maalin ka hor ka dhacday deegaan hoos taga degmada Bariirre ee gobolka Shabeelaha hoose ku dileen saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab.
Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay magacyada saraakiisha lagu dilay weerarka oo ay wadajir u fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka.
Wuxuu sheegay Abaanduulaha in weerarkaa lagu dilay Saddex sarkaal oo muhiim u ahaa Al-shabaab kuwaa oo lagu kala magacaabi jiray Khalif Maxamed Warsame (Khaliif Cadale), Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Muuse Cali Gaabow.
Jen Caanood ayaa intaa ku daray n ciidamadu bur buriyeen saldhigyo dhowr ah oo ay halkaa ku lahaayeen Ururka Al-shabaab.
