Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah ayaa xalay saqdii Dhaxe waxa ay howlgal qorsheesan ka fuliyeen deegaanka Macalinka oo kuyaala Inta u Dhaxeysa Afgooye iyo Bariire.
Howlgalkan ay fuliyeen ciidamada Huwanta ah ayaa intii uu socday waxaa lagu dilay dad ka badan shan qof, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in dadka la dilay ay yihiin dad beeraleey ah oo xiligaasi la socday cagaf cagaf qudaar siday.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Cabdicasiis Xildhibaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka xalay ka dhacay Duleedka Bariire ay fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ku duulay goob bartilmaameed aheyd.
Waxa uu sheegay Afhayeenka dadka la dilay in ay ahaayeen xubno katirsan dagaalyahanada Al Shabaab, waxa uuna meesha ka saaray dadka howlgalkaasi lagu dilay in ay ku jiraan dad shacab ah.
