Qarax aad u weyn oo maalintii shaley ka dhacay Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa la sheegayaa in qaraxaasi ay ku dhinteen 14 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafay 24 ruux.
Qaraxan la rumeeysanyahay in uu fuliyay ruux isku soo xiray walxaha qarxa, kaasoo isku qarxiyay suuq aad u mashquul badan oo ku yaal degmadaasi.
Gudoomiye kuxigeenka gobolka Shabeelaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle oo Warbaahinta la hadley ayaa sheegay in qofka fuliyay weerarka uu bartilmaadeedsaday suuq lagu iibiyo Qaadka, abaare 4-tii galabnimo ee shalay.
Maamulka degmada ayaa weerarkan ku eedeeyey in ay ka dambeeyaan maleeshiyo beeleedyo ku sugan deegaanka iyo kooxda Alshabab.
Ma jirto wax war ah oo ilaa iyo hada kasoo Maleeyshiyaadka Al-shabaab oo ay ku sheeganayaan in ay ka dambeeyaan falkii shaley halkaasi ka dhacay.
