Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Maanta Lagu Caleema Saari Doono Xarunta General Kaahiye

0
109

Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomalaiya ay ka dhacdo Xaflada caleemo saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Munaasabadan oo ka dhaceysa xarunta General Kaahiye ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda ugu sareysa ee dalka, Wufuud caalami ah oo dalka Dibaddiisa ka imaanaya iyo xubno kale.

Sidoo kale waxa ka qeyb galaya Munaasabadda Xubno ka socda Baarlamaanada Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka, sida ay inoo sheegeen qaar ka tirsan xubnaha qaban qaabinaya Xafladan.

Ammaanka Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso Munaasabadda ayaa aad loo adkeeyay, si looga hortago falal ka baxsan amniga in ay dhacaan, inta ay socoto Munaasabadda.