Madaxweynaha Dalka Kenya oo Ka Hadley Askartii LaGu Diley Degmada Dhoobleey

0
161

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in sagaal askari oo Kenyan ah loogu dilay Qarixii ka dhacay degmada Dhoobley ee gobolka Jubabdda Hoose.

Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa cambaareeyay askartii lagu dilay fiidnimadii Axaddii weerarkii al-Shabaab ee Dhobley, Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo oo sheegay in ay dileen 15 Askari oo Kenyaan ah kuwo kalena ku dhaawaceen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Murugadda la qeybsanaayo qoysaska Askartii ku dhimatay Dhoobley, islamarkaana ay ka go’an tahay in ay sii waddaan howlgalkooda Soomaaliya.,

Al-Shabaab waxa ay weeraro dhowr jeer ah ku qaaddeen Kenya tan iyo bishii Oktoobar 2011-kii, iyada oo sheegay in ay tahay ciqaabta Ciidamada Kenya ee soo galay xilliggaasi Gudaha Soomaaliya.