Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ugu tegey ciidanka isku dhafka ah ee loo diyaariyay amaanka Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu jira qeybaha kala gadisan ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa Kormeerkiisa waxaa ku weheliyay Wasiir ku xigeenka Amniga, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Guddoomiyaha Gabalka Banaadir.
Intii uu ku guda Jiray Booqashadiisa ayuu warbxino ku saabsan amniga dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho ka dhagaystay taliyayaasha ciidanka,waxayna tilmaameen in si wanaagsan loo wado howlaha amni ee magaalada.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u mahad celyay Ciidamada iyo Madaxdooda isagoona dhanka kalana ku boggaadiyay howlaha muhiimka ah ee ay qabtaan, waxuuna ku dhiiri galiyay in sii labo laabaan shaqooyinka ay Qaranka u hayaan.
