Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa warbixin dheer ee uu ka qoray Soomaaliya waxaa lagu sheegay in Kenya ay ku war gelisay dalka Imaaraatka Carabta in ay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan Soomaaliya.
Warbixintan waxaa lagu soo hadal qaaday amarkii lagu joojiyey shir siyaasadeed uu ku qaban lahaa magaalada Nairobi siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur, isagoona lagu tilmaamay mid ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee isbahaysiga la ah Imaaraatka.
Hordhaca warbixintan ayaa lagu tilmaamay sida ay uga go’antaahy Dowladda Kenya iyo guud ahaan dowladaha Urur Goboleedka IGAD in ay garab istaagaan Dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo lagu tilmaamay mid xambaarsan hiigsiga kuu aaddan Soomaaliy xasilloon.
Qoraaga ayaa sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu haatan si dhow u daneynayo xasilloonida Soomaaliya, maadaama uu u arko in ay asaas u tahay nabadda iyo xasilloonida Gobolka.
Warbixintan dib waxaa loogu xasuusiyey hadalkii Madaxweynaha dalka Kenya ee uu Baarlamaanka dalkiisa uu ka hor jeediyey “Gobolka Nabad noqon mayo inta Soomaaliya ay dhibaatadu ka jirto, qaar ka mid ah wakiillada ajnabiga ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa wiiqaya dowladnimada iyo wada jirka shacabka Soomaaliyeed.”
Qoraaga Warbixinta ayaa ku sheegay hadalkan dagaal aan toos ahayn ee Dowladda Kenya ay ku qaadday dal heshiisyo la saxiixday Maamullada Puntland iyo Somaliland, heshiisyadas oo Kenya ay u aragto kuwo lagu wiiqayo Dowladnimada Soomaaliya.
Gaba-gabadii Daily Nation waxa ay sheegtay in Kenya ay galeyso dagaal diblumaasiyadeed oo ka dhan ah fara gelinta Imaaraatku ay ku hayaan Soomaaliya, iyadoona lagu wado in ay booqasho rasmi ah Nairobi ku yimaadaan Raiisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Jabuuti, si looga arrin sado mowqif mideysan oo lagu wajaho Imaaraatka.
