Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Baydhabo ee gobolka Baay, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo ka baxay Baydhabo, islamarkaana ku jeeday degmada Qansaxdheere.
Ku Dhawaad 5 qof ayaa dagaalkaasi ku geeriyootay iyadoona dhaawaca uu ka badan yahay intaasi sida ay sheegayaan dad ku dhaw halkii lagu dagaallamay.
Isbitaalka Magaalada Baydhabo ayaa la soo gaarsiiyay qaar ka mid ah Askartii kusoo dhawaacantay Weerarkii ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo.
