Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah Guddiyada joogtada ee Golaha Shacabka, Kulankaasi oo ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo guddiyada joogtada ee Villa Hargeysa.
Guddiyada uu la kulmay Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa waxaa ka mid ah guddiga Difaaca ee Golaha iyo guddiga dib u heshiisiinta, waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Guddoomiyaha cusub iyo guddiyada joogtada.
Guddoomiyaha ayaa warbixin la xiriirta shaqooyinka guddiyada iyo howlaha hada horyaalla ka dhageystay masuuliyiinta guddiyada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiyadii uu la kulmay kula dardaarmay iney halkooda howsha ka sii wadaan iyo in ay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradaha ay shaqo wadaaga yihiin.
