Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa dalka Itoobiya ayaa xabsiga ku booqday C/kariin Muuse Qalbi-dhagax oo mudo ku dhawaad 10 Bilood u xiran dowladda Itoobiya.
Axmed Madoobe ayaa Dowlada Itoobiya kala hadley sidii uu dib xoriyadiisa ugu heli lahaa Qalbi dhagax.
Qalbi-dhagax ayaa 27-dii Agoosto diyaarad loo saaray Itoobiya sida ay xaqiijisay jabhadda uu ka tirsanaa ee ONLF oo soo saartay war qoraal ah, waxaana intaa kadib uu ku jiray xabsi ku yaal Itoobiya.
Madaxweynaha maamul Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku jooggay dalka Itoobiya, waxaana uu kulamo kala duwan la qaadanaayay Mas’uuliyiinta dalkaasi.

