Reysulwasaare Xukuumada Federaalka oo Maanta u Kicitamey Dalka Belgium

0
28

Ra’isul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Brusels ee dalka Belgium.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dalka Belgium waxaa uu uga qeyb geli doonaa shir looga hadlayo dib u dhiska ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo sidoo amniga dalka ay kala wareegi lahaayeen ciidamada AMISOM.

Waxaa shirkaas soo qaban qaabiyey dalalka deeqda bixiya, waxaana la filayaa in ay ka soo baxaan go’aano ku saabsan sidii loo tayeyn lahaa ciidamada xoogga dalka si ay amaanka dalka gacanta ugu dhigaan.