Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya oo u Hambalyeeyey Gudomiyaha Cusub

0
29

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan soomaaliya Ambassador Micheal Keating ayaa hambalyo waxaa uu udiray afhayeenka cusub ee Golaha shacabka, kaa oo shalay Muqdisho lagu doortay.

Ambadr Keating ayaa sidoo kale ku amaanay xildhibaanada Golaha shacabka qaabka daah-furnaanta leh ee ku guteen waajibkooda.

Dhanka kale Micheal Keating ayaa u mahad celiyay gudoomiyihii hore ee Barlaamanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari kaasoo soo hogaaminayay Barlamaankii 9-aad iyo kan tobnaad ee xiligan shaqeeya.

Ambasador Keating ayaa kula darmaamay dhinacyada hardanka siyaasadeed ee Soomaliya uu ka dhaxeeyo in ey had iyo jeer ilaaliyaan sareenta sharciga, taana ay muhiim u tahay baraaraha iyo horu-usocdka umadda soomaaliyeed.