Kulan Loga Hadlaayo Arimaha Somaliya oo Ka Furmey Magaalada Brussels.

0
33

Kulan looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa ka furmay Xarunta Midowga Europe ee Magaalada Brussels.

Shirka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa waxa kasoo qeyb galay madax kala duwan oo ka socota dawladaha taageera Soomaaliya.

Sidoo kale Shirka waxa qeyb ka ah xildhibaano Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka kala socota dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid Faqi ayaa waxa uu sheegay shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Midowga Yurub inuu gogol xaar u yahay mid kale oo dhacaya bartamaha sanadkan.