Tirada xildhibaanada maanta soo xaadiray ee codeeyey waa 266, Xildhibaanada hada ugu cad cad dahii ruux walba uu xajisto tirada xildhibadana hada u codeeyey waxaa dhici karta in wareeg seddexaad loo gudbo oo aysan noqon mid ku dhamaata wareega labaad sababo badan oo jira awgeed.
4ta xildhibaan ee hada usoo gudbtey wareega labaad waxaa u codeysay 225
Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal 83
Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow 69
Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen 54
Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla 19
xildhibaanada maadaama tirada guud ay tahay 266 xildhibaan marka laga jaro 225 waxaa soo haraya 41 xildhibaan.
Sidaas daraadeed waxaa adkaanaya in midkood uu wada helo 41ka xildhibaan ee u codeeyey xildhibanada usoo gudbi waayey wareega labaad, Balse sida ay hada shaxdu tahay daafeet media waxaa ay saadaalineysaa in ay wareega seddexaad ee ugu dambeeya ay isugu soo baxaan Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal iyo Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
