Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeele oo Sheegey in 80% Laga Qaxay Baledweyne

0
118

Madaxweynaha maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in saameynta iyo khasaaraha ka dhashay Fatahaada magaalada Beledweyne yihiin kuwo sii kordhaya.

Waare oo la hadlayay Laanta afka Soomaaliga ee BBC -da ayaa sheegay in 80% la oran karo waa ay barakaceen dadkii ku dhaqnaa magaalada oo maciin badan dhulka Bari ee taaga ah sida Ceel Jaale iyo Jente-Kuundisho.

Wuxuu sheegay in wali biyaha Wabigu yihiin kuwo sareeya oo aan sameynin wax nusqaan ah, sidoo kalana wali da’ayaan roobab lixaad leh.

Xaafadaha magaalada Baladweyne meelaha qaar biyuhu waxay qofka u joogaan kala bar qofka joogiisa.