Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeele oo Sheegey in 80% Laga Qaxay Baledweyne

0
30

Madaxweynaha maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in saameynta iyo khasaaraha ka dhashay Fatahaada magaalada Beledweyne yihiin kuwo sii kordhaya.

Waare oo la hadlayay Laanta afka Soomaaliga ee BBC -da ayaa sheegay in 80% la oran karo waa ay barakaceen dadkii ku dhaqnaa magaalada oo maciin badan dhulka Bari ee taaga ah sida Ceel Jaale iyo Jente-Kuundisho.

Wuxuu sheegay in wali biyaha Wabigu yihiin kuwo sareeya oo aan sameynin wax nusqaan ah, sidoo kalana wali da’ayaan roobab lixaad leh.

Xaafadaha magaalada Baladweyne meelaha qaar biyuhu waxay qofka u joogaan kala bar qofka joogiisa.