Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Shacabka oo Habeenkii Xaley Ku Geeryoodey Magalada Muqdisho

0
29

Inaalilaahi wa inaa ilheyhi raajicuun Allaha unaxariistee, Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Khaliif C/llaahi Dheere oo katirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in xildhibaanka uu xanuunsanaa maalmihii lasoo dhaafay.

Xildhibaanka ayaa sadexdii maalin ee ina dhaaftay ku jiray Isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho, waxaana uu geeriyooday xalay ugu dambeyntii.