Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta Deeq Gaarsiiyey Qaar Ka Tirsan Barakacayaasha Ku Sugan Duleedka Magalada Muqdisho

0
31

Mas’uulliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa deeq gaarsiiyey qaar kamid ah xeryaha duleedka magalada muqdisho oo ay ku nool yihiin boqolaal kamid ah bulshada nugul ee soo barakacay.

Goobaha deeqda la gaarsiiyey ayaa waxaa kamid ah xerooyinka ku yaalla degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey, halkaas oo loogu qeybiyey agab ay uga gaashaantaan roobabka iyo qabowga dhacaya, maadaama lagu jiro xili roobaad.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Benaadir Basmo Caamir Axmed ayaa sheegtay in barakacayaasha ku nool daafaha iyo Gudaha Caasimadda ay u baahan yihiin in loo fidiyo gurmad deg deg ah xiliga ay baahida jirto dadkuna ay u baahan yihiin in la gacan qabto.

Basmo Caamir waxay ka codsatay dadka Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah inay u soo gurmadaan barakacayaasha maadaama kuwo badan oo ayaga ka mid ah ay khatar ku jirto noloshooda, iyadoo raacisay inay dadkan ku qaadan doonto muddo fog si ay dib ugu kabsadaan haddii aysan helin gargaar.