Gudiga Doorashooyinka Gudoonka Baarlamaanka oo Sheegey In aan Loo Baahneyn Kor Joogto Ilaalisa Codadka

0
35

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa ay sheegeen inaan loo baahneyn xubno korjoogto ka noqonaya Doorashada lagu balansan yahay in ay dhacdo Isniinta, 30-ka bishan April.

Xildhibaan Nuur Iidow Bayle oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka ayaa sheegay in aysan muhiim aheyn dad badan oo hadana aanay muuqan wax qabadkooda meesha ay soo buux dhaafiyaan.

Wuxuu sheegay Doorashadan in ay ka qeyb galayaan Xubnaha Baarlamaanka oo codeynaya, wuxuuna tilmaamay Musharax walba in loo gol yahay keliya Hal qof oo codadka u tiriya.

Sidoo kale Nuur Iidow Bayle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in si cadaalad ah ay ku qabsoonto Doorashada, wuxuuna dhanka kale tilmaamay in ay la kulmeen Musharaxiinta, kalana hadleen in dhammaan la wada ilaaliyo nidaamka Doorashada.