Akhriso:Xukuumada oo War Kasoo Saartey Heshiiskii Qarsoodiga ahaa ee Lala Galay Shirkada SKA

0
27

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in ay cadeyneyso heshiiska saxaafadda laga sheegay ee lala galay shirkadda SKA inuusan aheyn mid waafaqsan habraaca dowliga ah ee ay dejisay wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyada xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa waxa uu sheegay heshiisyada nuucaan oo kale ah ee lala galo shirkado gaar loo leeyahay in ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in Xukuumadda ay bilowday baaritaan looga gol leeyahay in laga sal gaaro sida uu ku yimid iyo Habraaca loo maray heshiiskaas la sheegay in lala galay shirkadda SKA.

Heshiiskan ayaa la sheegey iney si qarsoodi ah ula galeen shirkada wasiirka gaashaandhiga dowlada federaalka somaliya iyo taliyha ciidan xooga dalka ayagoo aan ogeysiin ama horgeyn golaha wasiirada.