Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo Sheegey Iney U Madax Banan Yihiin Heshiisyada Ay Galayaan

1
36

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta caalamka kula hadlayay magaalada Dubai ayaa sheegay in Puntland u madax-bannaan tahay in ay gasho heshiisyo caalami ah sida uu dhigayo ayuu yiri dastuurka dowlad gobolleedka.

Gaas ayaa meesha ka saaray in dowladda Dhexe matali karto guud ahaanba dalka Soomaaliya isaga oo yiri ‘’ Awooda dalka Soomaaliya oo dhan ma’aha mid ku Uruursan Muqdisho, ‘Soomaaliya ma’aha Muqdisho ‘ Muqdisha-na ma’aha Soomaaliya.

Abdiweli Gaas wuxuu sheegay in Puntland Somalia dhul ahaan ka tahay 3 meelood hal qeyb, dad ahaana ka tahay 4 qeybood hal qeyb, Puntland tahay dawladda kaliya ee saaran Badda Cas iyo badweynta India, Dastuurka Puntland qorayo in ay heshiisyo caalami ah geli karaan, kuna dhaqmayaan dastuurkooda, dawladda Soomaaliya go’aan ka gaari karin arimaha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Imaaraadka uu kala dhaxeeyo xiriir dhinaca nabad-galyada ah, gaar ahaan la dagaalnaka tahriibka, argagixisada, burcad badeeda iyo waliba kalluumeysiga sharci darrada ah.

Maalgashiga shirkadda DP World ayuu ku tilmaamay mid hormar u keeni kara guud ahaanba gobolka, gaar ahaan shaqo abuur loo sameynayo Kumannaan dhalinyaro ah shaqa la’aantu heyso.

1 COMMENT

  1. Waxaan u baahanay hayadaha dawlada in naloo dhiso, wadooyinka in naloo dhiso, isbitaalo in naloo dhiso , shaqaale in naloo qoro, baabuurta dabdemiska in nakii keeno, generatoro korontada dhaliya in naloo keenoaskar in naloo tabaro , xeryo militeri in naloo dhi biyo mareenada in naloo qodo, Hade dawlada federaalka Mudihow un bey u tahay federaal wixii dibada ka yimaada ayada uun baa dhisanaya
    Taasoo keentay in Madaxweynah Puntland asagoo tixgelinaya baahiya in go aan ka gaaro fursooyin soo mara

Comments are closed.