Shir Madaxeedka 29aad ee Jaamacada Caraqbta oo Lagu Soo Gabagabeeyey Magalada Damaam

0
95

Waxaa magaalada Dammaam ee dalka Sacuudiga lagu soo gabagabeeyay Shir madaxeedka 29aad ee Jaamacadda Carabta, iyadoo laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Madaxda Jaamacadda Carabta ayaa khudbadahooda diiradda ku saaray xaalada ka jirta Caalamka Carabta, qadiyada Falastiin iyo colaada Yemen iyo Libiya.

Sidoo kale Hoggaamiyeyaasha Carbeed ee ka hadlay shir-madaxeedkan ayaa iyaguna khudbadahooda ku xusay arrimaha Soomaaliya, sheegayna inay mar walba garab-taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

War murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa qodob ka mid ah looga hadlay xaalada Soomaaliya, iyadoo lagu shaaciyay in Jaamacadda Carabta ay sii wadeyso taageerada ay siiyo dowladda Soomaaliya, sidii ay dib ugu soo celin laheyd xasiloonida, nabada iyo dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo xoojinta hey’adaheeda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu shirku socday waxa uu la wadaagay madaxda Carabta, guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo qorshayaasha ay muhiimka tahay in walaalaha Carbeed ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan dib-u-kabashada dalka.