Akhriso Warsaxaafaded Kasoo Baxay Wasarada Arimaha Dibada oo ku Saabsan Xirirka Imaaraadka

0
90

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in xiriirka labada dal caadi lagu soo celiyo islamarkaana waxaa dowladda Imaaraadka looga mahad celiyay kaalinta ay ka qaadatay la dagaallanka argagixisada iyo dadaallada kale ee ay ka waddo dib u dhiska dowladda Soomaaliya.

Waxaa kale oo lagu sheegay in ismaan dhaafka labada dowladood yahay mid laga gudbi karo iyada oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in labada dowladood ay wadaagaan xiriir Taariikhi ah,mid dhaqaale,Amaan iyo xiriirro kale oo badan.

Waxaa kale oo lagu xusay in dowladda Soomaaliya ay sameyneyso horumar dhinaca dowladnimada ah,iyada oo dib u dhiska Hay’adaha dowladda ka shaqeyneysana ay diyaar u tahay in ay dowladda Imaaraadka sii waddo dadaallada taageeridda dowladnimada Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in Madaxbanaanida iyo sharafta Soomaaliya ay muhiim u tahay dowladda Soomaaliya,waxaana ay dowladda Soomaaliya sii jeediysay in laga gudbo wixii is faham waa ah ee dhawaan soo kala dhexgalay labada dowladood.