Xildhibaanada Digil iyo Mirifle oo ku Guul Dareystay inay Yeeshaan Hal Musharax.

0
1095

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Qawmiyada Digil iyo Mirifle u matala Aqalka hoose ee Baarlamaanka Fedraalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu xalay ka dhacay Hotel SYL magaalada Muqdisho,

Kulankan oo ahaa mid inta badan Xildhibaanada Aqalka hoose ay kasoo qaybgaleen ayaa waxa ay Xildhibaanadu uga hadleen qaabka iyo hanaanka loo marayo tartanka kursiga Afhayeenka Baarlamaanka Fedraalka ah ee Soomaaliya oo la filayo in maalmaha soo socda uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho.

Kulankan oo martiqaadkiisu lahaayeen Xildhibaanada kasoo jeeda Beelaha Digileed ayaa Ajandihiisu ahaa sidii Qawmiyada Digil iyo Mirifle ay u yeelan lahayd Musharax kaliya oo ku tartama magaca Qawmiyada Digil iyo Mirifle kaasi oo weliba kasoo jeeda Beelaha Aw-Digil maadaama ayan weligood xilkaasi qaban.

Dood dheer iyo Falanqayn ay Xildhibaanadu ka yeesheen soo jeedintii beelaha Digileed kadib Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Kuwa Beelaha Sideed Mirifle waxay isku aragti ka noqdeen soo jeedinta Beelaha Digil halka Beesha Sagaal Miriflana ay ka biyo diiday tala soo jeedinta beelaha Digil kuna dooday in kursigan iyadu tahay beesha ku xaq leh isla markaana ay tahay in lagu taageero.

Kulanka oo qaatay wakhti dheer kadib ayaa ugu danbay lagu kala dareeray ayadoo aan wax qodoba ah oo laysku raacay amaba laysku diiday aan kasoo bixin kulanka.

Doodan ku saabsan Beesha iyo Cida buuxin lahayd xilkan uu baneeyay Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa haatan u muuqata mid si xowli ah ku socoto iyadoo Xildhibaanada beelaha Digilna markii ugu horeysay muujinayaan inay xaq lamid ah kan beelaha Mirifle ay u leeyihiin inay isu soo sharaxaan buuxinta kursigan banaanaaday.